Dhahar: Reer Haylaan oo siweyn usoo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Dhahar: Reer Haylaan oo siweyn usoo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siicid iyo wafti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaaan.

Weftiga Gudoomiyuhu Hoggaaminayay ayaa waxaa banaanka magaalada Dhahar kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Haylaan, kan degmada Dhahar, aqoon yahanka, saraakiisha ciidanka qalabka sida, cuqaasha, Ururka Haweenka, Dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha sida diiran ee loogu soo dhaweyeey degmada Dhahar isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, wuxuuna la wadaagay ujeedada safarkooda oo ku aaddan u kuurgelidda Baahida deegaanka, caqabadaha jiro iyo qorsheyaasha Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Gobolka Haylaan waxay kulamo la qaadaan doonaan maamulka Gobolka, kan degmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay u helaan xog dhammaystiran oo ku saabsan shaqooyinka ka socda gobolka, baahiyaha jira iyo sidii wax looga qaban lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com