MADAXWEYNIHII MUSUQA: TAXANAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MUSUQMAASUQIISII MEEL KASTA GAARAY – Q3aad

MADAXWEYNIHII MUSUQA: TAXANAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MUSUQMAASUQIISII MEEL KASTA GAARAY – Q3aad

Waa Qaybtii 3aad ee Madaxweynihii Musuqa. Qaybtii 2aad ee hore waxaad ku maqasheen faahfaahin kooban oo ku saabsan musuqa xad dhaafka ah ee Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo shaqaaleysiinta qaraabadiisa, siiba adeerkiis iyo dumaashidiis iyo qaraabo kale oo aan wax khibrad ah u lahayn shaqooyinka loo igmaday

Qaybtan 3aad ee Madaxweynihii Musuqa waxaan faahfaahin dheeraad ah daaha kaga rogeynaa musuqa xargaha goostay ee Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Maareeyaha Guud ee Bangiga iyo war la’aanta ama ka raali ahaanshaha Villa Somalia.

Kalkan Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib waxa uu faahfaahinayaa sida bareerta ah ee maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya ay ugu tagrifalaan xoolaha ummadda. Ku takrifalada Xildhibaan Abiib uu faahfaahiyey waxaa ugu horreeya Hanti-dhowrka oo shaqadii loo igmaday ka doortay laaluush qaadasho iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo si bareera ugu sheegay hantidhowrka in aan loo baahneyn in la baaro xisaabaadka Bangiga Dhexe. Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu diiday in uu soo hor fariisto Guddiga Maaliyadda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya isagoo aaminsan in uu sharciga ka sarreeyo, baarlamaankuna uusan lahayn awood uu Bangiga Dhexe ku baaro.

Eedaha musuqa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe waxaa kale oo kamid ah asaga oo shaqaalaha Bankiga Dhexe ku qasba in ay farsameeyaan xisaabaad sharcidarro ah, kii diidana waxaa loogu hanjabaa mushahar dhimis, darajo-ka-xayuubin, ama fasax sannadeedka shaqaalaha oo loo diido.

Musuqmaasuqa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ma aha mid ku eg Soomaaliya ee hadda waa mid gaaray waddanka Kenya iyo Profesor Juguna Dungu, Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Kenya, haddana ah Xoghayaha Maaliyadda Qaranka iyo Qorsheynta Dhaqaalaha ee Kenya.

Professor Juguna waxaa 5-tii illaa 8-dii September 2022, loo igmaday lataliye waqti kooban si uu uga qaybqaato tababar shaqaalaha Bangiga iyo ammuuro kale, laakiin profesorku marna ma uusan imaan Xamar oo hal shir oo uu ka qaybgalay waxa uu uga qabgalay aaladda Zuumka.

Saas oo ay tahay Lataliye Profesor Jungu waxaa xisaabaadka Bangiga Dhexe loo diiwaangaliyey in uu Xamar yimid, kana qaybqaatay shirkii shaqaalaha Baniga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana xisaabta Bangiga Dhexe laga diiwaangaliyey in Profesor Jungu

uu yimid, lana siiyey lacag dhan US$ 10,500 oo ah khidmad Lataliye iyo US$5,145 oo Hotel iyo cunto ah iyo US$ 720 oo tikit diyaarad ah. Hadde ogow Profesorku marna cag ma soo dhigin Xamar.

Profesor Juguna Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Kenya waxaa hadda ku socda baaritaan la xiriira dambiyo lacageed oo uu ka galay Kenya, baaristaasna wax xiriir ah lama laha danbiga ka dhacay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Musuqa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo kaashanaya Maareeyaha Guud intaas kaliya kuma eka e waxa uu shaqaalaysiiyaa la-taliyayaal uu ku keenay eex iyo qaraabakiil ayna ka midyihiin wiil uu dhalay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, wiilkuna haba yaraatee ma laha wax khibrad ah, mana haysto shahaado waxbarasho, waxaana loo qaatay inuu ka shaqeeyo Waaxda Cilmi-baarista iyo Dhaqaalaha.

Sidoo kale, nin ay qaraabo yihiin Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ayaa asna la shaqaaleysiiyey loona dhiibay hoggaanka Waaxda Qandaraasyada, waana shakhsi aan wax aqoon ah u lahayn iyo waliba wax khibrad ah shaqada loo igmaday.

Dhanka beenta iyo been abuurka, waxaa been qayaxan loo gudbiyey hay’adda IMF-ta iyo Bangiga Adduunka oo waxaa laga been abuuray nidaamka daynta cafinta. Tusaale:

Wasaaradda Batroolka waxay lacag dhan $2,674,732 (2 milyan lix boqol 74 kun iyo todoba boqol 32 doolar) ku shubatay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Khasnada Hal Akoonka (TSA) kana timid Shirkadda Shidaalka ee SHELL bishii Janaayo 2022. Si kastaba ha ahaatee, lacagahan marna laguma soo darin Miisaaniyadda Dawladda ee ay Wasaaradda Maaliyaddu u soo gudbisay dakhli ahaan.

 

Waxaa kale oo jira lacago ku xannibnaa Bagiyada Shisheeyo, lacagaas waxaa la soo dhiciyey qayb dhan 7.5 milyan oo dollar oo laga soo dhiciyey bangi Talyaani ah, saas oo ay tahayna lacagtaas laguma shubin xisaabaadka bangiga dhexe ee Soomaaliya, lagumana darin miisaaniyadda dawladda, illaa iyo haddana lama yaqaan meel lacagtaas ay martay.

Xildhibaan Abiib oo yaab iyo amakaag dhafoorka la haysta ayaa warqad uu u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku yiri “Mudane Madaxweyne, waxaan kaa codsanayaa adoo cuskanaya dareenkaaga xilka iyo xilkasnimada leh inaad qaado tallaabo degdeg ah oo aad wax uga qabaneyso arrimahan murugsan ee xasaasiga ah. Mustaqbalka ummaddeenu waxa uu ku xidhan yahay in aynu ilaalino mabaadi’da caddaaladda, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta.”

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdibarre illaa iyo hadda wax jawaab ah kama ay bixin musuqa xargaha goostay ee ka socda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda. Waxaana labadaas hay’adood weli hoggaankooda haya isla raggii lagu eedeeyey, laguna caddeeyey musuqmaasuq kii ugu darnaa iyo qaraabakiil aan hore loo arag.

La soco Taxanaha 4aad ee MADAXWEYNIHII MUSUQA

****

Waa Jamarti Yaxye iyo Nimco Nasab oo idin leh waa inoo Qaybta 4aad ee Madaxweynihii Musuqa.

****

Diwaanka wararka | Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com