Shirka fulinta heshiiskii Carmo ee nabadaynta Sheerbi oo soo xirmay.

Shirka fulinta heshiiskii Carmo ee nabadaynta Sheerbi oo soo xirmay.

Wasaaradda arrimaha guddaha federalka iyo dimuqradiyeynta Puntland , iyo Guddiga wasiiradda ah ee Madaxweynuhu u magacaabay fulinta heshiiskii Carmo, ayaa mudo 20 cisho ah ka shaqeynayey hirgalinta nabada deegaanka Sheerbi iyo fulinta heshiiskii carmo ka dhacay kaas oo ay qayb ka ahayd kala qaadista ciidamo malayshiyaadka laba beelood ah ee colaad ku dhexmartay deegaanka Sheerbi. waxaana si buuxda loogu heshiiyey hirgalinta nabada sheerbi.

Shirkaan oo maanta lagu qabtay deegaanka Sheerbi ayaa daarana dhab u heshiisiinta labadaas beel iyo fulinta heshiisyadii hore ee Qardho iyo Carmo, si loo helo nabad waarta oo ka dhacda Sheerbi.

Shirka waxaa ka soo qeyb-galay guddiga Wasiirada, ee kala ah Wasiirka Dulista hawada iyo Garoomada dawladda PL. Abdullahi Bile Nuur
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Abdirahman Sheikh Ahmed (Habarwaa}, Wasiiru dawlaha Arrimaha Guddaha Yusuf Maxamed Wacays (dhado) Iyo Hawlwadeena arrimaha nabadaynta wasaaradda arrimaha Guddaha, maamulka deegaanka sheerbi, Maamulka degmada Waaciye, xildhibaanada golaha deegaanka degmada Waaciye, siyaasiyiin, Isimo, nabadoono, ganacsato, qurbajoog, aqoonyahan, haween iyo Dhalinyaro.

dhamaan shirarkii hore iyo kan ugu dambeeyey ee bulshada qaybeheeda kala duwan ay ka soo qeyb-galeen iyo beelihii Shaqaaqadu dhex-martay Waxaa laysla qaatay hirgalinta nabada iyo fulinta heshiiskii Carmo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com