Shirka Golaha Guud ee QM oo Maanta Newyorka ka Furmaya & RW Xamse oo ka qayb galaya

Shirka Golaha Guud ee QM oo Maanta Newyorka ka Furmaya & RW Xamse oo ka qayb galaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi.

Kulan doceedka ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa waxay uga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas.

Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen, iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen.

Sidoo kale Ra’iisul Xamse Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurtagelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com