110 Arday oo ka qalin Jabisay Macadka Macruuf Gaalkacyo (Sawiro)

110 Arday oo ka qalin Jabisay Macadka Macruuf Gaalkacyo (Sawiro)

Xafladaan oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiinta gobalka mudug u qaabilsan wasaaradaha: Waxbarashada, Caafimaadka iyo Deegaanka, ururada dhalinyarada iyo isxilqaamayaasha gobalka, Dhaqaatiir iyo masuuliyiin ka socota Jaamacadaha Gobalka mudug, qaar ka mid ah Madaxda shirkada Ganacsiga, maamulka iyo ardayda iskuulka Macruf Online Academy, waalidiin, aqoonyahano, qurba joog iyo marti Sharaf kale oo fara badan ayaa lagu sagootinayay 110 arday oo baratay 13 koorso oo kala ah: nursing, pharmacology, Nutrition, sheeybaar, umulisanimo, darawalnimada, cilaansaarka, cunto karinta, harqaanka, korontada, saxaafada computer_ka.

Ugu horayn waxaa halkaasi qudbad ka jeediyay Maamulaha guud Macruf Online Academy cabdullahi Axmed xirsi (shaaticade) oo faahfaahin ka bixiyay ardadaan machadkiisa ka qalinjebineysa.

Sidoo kale waxaa halkaasi khudbad dhiiri gelin, bogaadin iyo dardaaran iskugu jirta ka jeediyay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Mudug Axmed huruuse xaasi

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay iskuduwaha Caafimaadka ee gobalka mudug C.nasir
Intaasi kadib waxaa halkaasi khudbado dardaaran iyo hambalyo xambarsan ka jeediyay isku duwaha wasaarada deegaanka ee gobalka mudug iyo ku xigeenkiisa, kormeeraha wasaarada waxbarashada ee gobolka mugu maxmed cabdi jaamac (shufeer), gudoomiyaha waxbarashada ee gobalka,gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee gobolka mudug cabdiqani cusmaan, aqoonyahanadii kasoo qeyb galay iyo qaarka mid ah macalimiinta, ardada iyo waalidiintooda

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ardada qalinjebineysaa ku soo bandhigeen bandhigyo kala duwan oo la xiriira waxyaabihii ay barteen sida: warar ardada saxaafadu ka aqriyeen munaasabada, baaritaano sheybaar, boorar cilaan lagu soo xardhay, muuqaalo laga soo diyaariyay Barashada darawalnimada oo iskuulku bixiyo iyo cuntooyin casri ah oo soo jiitay dareenka dadkii goobta ku sugnaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com