14 Qof ay ku dhintay dibad baxyada ka socda Ciraaq

14 Qof ay ku dhintay dibad baxyada ka socda Ciraaq

Magaalada Karbala ee dalka Ciraaq waxaa maanta ka dhacay dibad baxyo rabshado badan dhaliyay kuwaas oo ay ku dhinteen Tobaneeyo Dad ah.

Dibad baxayaasha ayaa isku dayey in ay xoog ku jiiraan Bandow ay soo rogeen cidaamada dalka Ciraaq, iyagoo sii waday dibad baxyada ilaa subaxnimadii waxaana magaalooyinka qaarna lagu arkayey kumanaan ardey ah oo dibaxbayaal ah kuwaas oo iska dhagatiray digniinta dowlada.

Ilo caafimaad iyo amni ayaa usheegay wakaalada wararka ee Reuters talaadadii in ugu yaraan 14 qof ay ku dhinteen 865 kalena ay dhaawacmeen habeenimadii xalay, intii lagu gudo jirey isku day-yada ay ciidamadu ku kala eryaayeen dibad baxayaasha.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas laga maqlayey agagaarka golaha maamulka magaalada, oo qiyaastii 100 Km koonfurta ka xigta Baqdaad.

Taliska booliiska magaalada Karbala ayaa dafiray geerida dadkii banaanbaxa dhigayay intii ay ciidamada nabad sugida ku jireen howlahooda.

Dhinaca kale af-hayeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Abdul Karim Khalaf ayaa sheegay inaysan run aheyn dhimasho ka dhacday Karbala, isagoo tilmaamay in tirada rasmiga ah ay muujinayso dhaawaca 90 xubnood iyo 53 qof oo rayid ah, kuwaas oo 35 ka mid ah ay ka baxeen cusbataalka ka dib markii la daweeyay.

Diiwaamka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com