Hindiya oo si Kulul ugu Jawaabtay Trump, Sheegtayna, “Joojin mayno Gadashada Shidaalka Ruushka”
Danjiraha Hindiya ee Moosko, Vinay Kumar, ayaa u sheegay wakaaladda wararka TASS ee Ruushka in Hindiya aysan joojin doonin ka beecmushtarka shidaalka Ruushka, wuxuuna cunaqabataynta dhaqaale ee Mareykanku la beegtay Hindiya ku tilmaamay, “mid aan caddaalad ahayn oo aan la aqbali karin.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya Jaishankar oo asna u jawaabay Mareykanka ayaa si toos ah Trump iyo xulufadiisa ugu sheegay, “Haddii shidaalka Hindiya uu aad idiin dhibayo ha gadanina shidaalka Jamhuuriyadda iyo wixii badeeco dheeraad ah oo shidaalka laga sameeyo. Ogolaan mayno in Washington ay jaangoyso siyaasadda Hindiya.”
> Daljir Media


COMMENTS
exskq7