WFP OO JARTAY BADI GARGAARKII CUNTADA, SHEEGTAYNA IN MALAAYIIN SOOMAALI AH AY WAJAHAYAAN GAAJO DARAN
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digay in malaayiin Soomaali ah ay halis ugu jiraan gaajo iyo nafaqo-darro, hoos-u-dhac weyn oo ku yimid maalgelintii WFP darti, taasina ay keentay in si weyn loo dhimo tirada dadka lagu caawiyo gargaarka cunto.
Bishaan soo fooleh ee Nofeember, WFP waxay sheegtay in gargaar cunto oo degdeg ah ay kaliya u heli karto ugu badnaan 350,000 oo qof, halka ay awal gargaar gaarsiin jirtay dad ka badan 1 milyan (arag xiriiriyaha hoose).
Yaa u maqan dadka Soomaaliyeed, madaxda Soomaalidu se war ma u hayaan in malaayiin Soomaali ah aysan dab shidan karin?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS