Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa saaka gaaray Dalka Kuwait, isaggoo ay la socdaan Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaraddaasi.
Wasiirka, ayaa waxaa madaarka ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Kuwait , waxaana kulan saacado socday ay kula yeesheen Hotel Sheraton Kuwait.
Wasiir Maareeye oo beryahanba ku mashquulsanaa suuq geynta waxsoosaarka Soomaaliya, ayaa wuxuu hore u sii qaatay waxyaalo fara badan oo uu ku muujinayo wanaagga dhaqanka iyo Wax soosaarka Soomaaliya sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo kale.
COMMENTS