Dowladda Qatar ayaa ka dajisay magaalada Muqdisho 68 ka mid ah gaadiidka dagaalka nooca qafilan kaasi oo loogu deeqay dowladda faderaalka Soomaaliya.
Munaasbad ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho oo gaadiidka lagu soo bandhigayay, waxaana ka qaybgalay saraakiil katirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Qatar iyo dowladda faderaalka Soomaaliya.
Lama oga gaadiidkan inay dowladda faderaalka ay gaarsiin doonto dowlad goboleedyada oo iyagu dagaal kula jira Al-shabaab iyo inay ku koobnaan doonaan magaalada Muqdisho.
Qatar ayaa wada shaqayn la leh dowladda faderaalka Soomaaliya, waxaana jira tartan xoogan oo kala dhaxeeya dowladda Imaaraatka oo iyadu horay ciidamo u tababartay Puntland, sidoo kalena xirtay saldhigeeddii ay ku lahayd magaalada Muqdisho.
COMMENTS