Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Kenya ka dhacay

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Kenya ka dhacay

Ugu yaraan Shan Qof ayaa ku geeriyootay, 62 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray markii ay isku dhaceen Laba Bas inta u dhexeysa Magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee Dalka Kenya.

Taliye, Joseph ole Napeiyan, oo ka mid ah saraakiisha Boliiska ee Gobolka Xeebta ayaa sheegay in uu dhacay 2:40 Am, iyadoo Dadkii ku dhaawacmayna loo qaaday goobaha caafimaadka.

Saraakiisha Ciidanka Waddooyinka ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Saddexdii Todobaad ee ugu dambeeyay ay Toaban shil ka dhaceen dhabbaha isku xira Nairobi iyo Mombasa.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com