Kismaayo, Aug 09 2016–Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Luga-dheere ayaa kormeer shaqo kutegey xerada tababarka ciidamada Jubbaland ee duleedka magaalada Kismaayo halkaasi oo uu tababar uga furay cutubyo katirsan ciidamada maamulkaasi Jubbaland.
Waxa uu ciidamada ku booriyey inay ka shaqeeyaan adkaynta ammaanka dalka iyo ilaalinta xuduudaha, wuxuuna balanqaaday inay ka shaqayn doonaan sidii ciidamadu ay u heli lahaayeen xuquuqda ay dalka kuleeyihiin.
Warbixin Xasan Haykal.
COMMENTS