Mareykanka oo Gaadiid dagaal ku wareejiyay Jabuuti

Mareykanka oo Gaadiid dagaal ku wareejiyay Jabuuti

Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Jabuuti ku wareejisay Gaadiid dagaal kuwaas oo qeyb ka ah iskaashiga Ciidan ee labada dowladood.

Gaadiidkan oo tiradiisu gaareyso 54 Gaari ayaa waxaa uu qeybkayahay heshiis ku kacaya $31Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo qeyb ka ah iskaashiga tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Waddanka Jabuuti.

Michael Simpson, oo ah madaxa tababarka Mareykanka ee Ciidanka Jabuuti ayaa sheegay in Gaadiidkaasi adeegsan doonaan guuto ka mid ah Ciidamada dalka Jabuuti xilliyada ay ku jiraan howlgallada gaarka ama ay ka hortagayaan howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Dalka Jabuuti.

Michael Simpson, waxa uu xaqiijiyay in Gaadiidkaas sare u qaadayo tayada Ciidamada Jabuuti iyo awooddooda fulinta howlgallada gaarka ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal muhiim u ah iskaashiga amniga Mareykanka iyo dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeero argagixisada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com