Wacaal Darey ah: Qarax ka dhacay Dhuusamareeb

Wacaal Darey ah: Qarax ka dhacay Dhuusamareeb

Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax miino oo lagu aasay goob qashinka lagu shubo, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay ka soo horjeeday xarunta Inji oo ay degganyihiin hoggaanka sare ee Ahlusunna ee Waljameeca.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona halkaas ka wada baaritaano kala duwan oo ku aadan sida uu qaraxu u dhacay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saaraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxaas ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana aad loo adkeeyay amniga magaalada xilli dhawaan la filayo in ay dhacdo doorasha Baarlamaanka cusub ee Galmudug 2020-2024.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhuusamareeb, Galmudug

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com