Nabadaynta Towfiiq iyo Afbarwaaqo iyo Nugaylo Saluugmo oo soo Baxaya (daawo)

Nabadaynta Towfiiq iyo Afbarwaaqo iyo Nugaylo Saluugmo oo soo Baxaya (daawo)

Sagaalkii bishaan aynu ku jirno ee December ee sannadka 2019, ayay ahayd markii dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanno u dhaxeeya degmada Towfiiq iyo deegaanka Afbarwaaqo oo ka wada tirsan gobolka Mudug, dagaalkaasi oo u dhaxeeyey dadyow deegaanka ah oo ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa dagaalkaasi ka dhashay, wuxuuna salka ku hayey aanooyin qabiil iyo arrimo daaq iyo deegaan oo dadka deegaanku ay isku maandhaafeen, muddo dheerna soo jiitamaysay, taasoo ugu dambayntii isku baddeshay gacan-ka-hadal dhiig badani uu ku daatay.

Xilligaasi wuxuu ka dambeeyey degmada Towfiiq iyo deegaanka Afbarwaaqo oo melleyshiyaanka dagaallamay u kala ah deegaannada iskugu dhaw ee ay kala degaan, waxaa socday waanwaano nabadeed oo lagu baadi-goobayo baajinta dhiig dambe oo daata, taasoo ay isla dhiraan-dhirinayeen xooggeeda odayaasha labada deegaan, maamullada Puntland iyo Galmudug iyo saraakiil ciidan oo dawladda federaalka.

Bilawgiiba waxaa lagu guulaystay in xabbadda la joojiyo, lana kala qaado mellayshiyaanka dagaaallamay, iyadoo dhinaca kalena la bilaabay nabadayn la iskugu keenayo odayaasha labada dhinac, si maaro loogu helo muran dambe oo curta.

Inkasta oo xiisaddu degtay, xaaladdana loo baddelay waji nabadeed, misna qaybo ka mid ah wax-ku-oolka bulsho ee degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, ayaa saluugmo ka muujiyey meelaha qaar sida wax u socdaan, siiba  dhabbayaasha gaaridda nabad waarto iyo wada noolaansho labada dhinac ah.

Abshir Nuur Xirsi oo ka mid ah qurbajoogta degmada Towfiiq, si dhawna ula socday marxaladihii colaadeed ee degmada Toowfiiq, dirirtii ugu dambaysay iyo dadaallada nabadeed ee hadda socda, ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir uga hadlay doonitaanka nabadeed ee laga dhex wado Towfiiq iyo Afbarwaaqo iyo dabacyo uu sheegay in ay ka jiraan dariiqyada loo marayo xal-u-helka xaalka colaadeed ee muddada soo jiitamayey.

Daawo.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com