Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda sannadka 2020

Madaxweyne  Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda sannadka 2020

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya

Saxiixa Madaxweynaha ee Miisaaniyadda sanadka 2020 ayaa dhacay daqiiqado ka hor bilashada sanadka cusub 2020, waxaana Madaxweynuhu boggaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladdu Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com