Trump oo ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doono Iiraan

Trump oo ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doono Iiraan

Donald J. Trump madaxweynaha Mareykanka ayaa boggiisa Twitter waxa uu ku shaaciyey in Waddankiisa Mareykanku calaameeyey 52 xarun oo ku taal ciidda Iiraan kuwaas oo Mareykanku duqeynayo haddii ciidamadiisu la kulmaan wax weerar ama halis ah iyo xitaa haddii Iiraan khatar geliso mashaariicda Mareykanka ee ka socda bariga dhexe.

Donald Trump isaga oo difaacaya go’aanka amarkii uu bixiyey ee lagu qaarajiyey Qaasin Suleymaani hoggaamiyihii Millateri ee Iiraan ayuu Lambarka 52 uu u taagan yahay tirada dadkii Mareykanka ahaa ee lagu afduubtay dhismaha Safaaradda Mareykanka ee Dahraan sanadkii 1979 kuwaas oo afduubnaa wax kabadan hal sano.

Waxa uu sheegya in meelaha uu Mareykanku u caleemeeyey in uu duqeeyo haddii Iiraan halis muujiso in ay muhiim u yihiin Iiraan si gaar ah dhaqanka iyo Hiddaha Iiraan, Trump ayaa yiri: “Xarumahaasi waxa ay wajihi doonaan duqeyn degdeg ah islamarkaana xoog badan, Mareykanku ma doonayo in uu diro hanjabaad dheeri ah”

Donald J. Trump ayaa maciin biciday in uu hanjabaad mariyo Twitter-kiisa kaddib markii Maliishiyada gacansaarka la eh Iiraan ee Ciraaq ay kordhisay hanjabaadda ayna dhismayaasha iyo xarumaha ciidanka Mareyakanku lakulmeen weerar madaafiic ah iyada oo ay jirto hanjabaadda ka aargudashada Mareykanka kaddib dilkii Qaasin Suleymaani oo loo haysto in uu Iiraan u ahaa ninka labaad ee waddanka ku tiirsan yahay.

Dhowr qarax oo waayen ayaa ruxay Baqadaad intii lagu jiray Janaasada General Suleymaani oo ku dhintay duqeyn Mareykanku ka geystay gegida diyaaradaha ee Baqadaad.

Aaga qadka cagaaran ee Baqdaad oo ay kutaal Safaaradda Mareykanka iyo safaarado kale oo shisheeye ayaa Madaafiicdu kusoo dhacday sidaas oo kalana saldhigga Balad ee ciidanka Cirka  (Balad Air Base) oo dhacda Waqooyiga Caasimadda Baqadadad oo xarun u ah ciidanka Mareykanka ayaa lala beegsaday Qarax.

Iiraan ayaa wacad ku martay in ay u aargudeyso General Qaasin Suleymani oo Mareykanku u arkayey in uu yahay Aragagixiso hayeeshee Iiraan u ahaa halyey iyo hoggaamiye Millaeri

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com