DHEGEYSO-Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo kahadlay howlgalada socda.

Garoowe, Aug 21 2016–Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa ka warbixiyey howlgalada beryihii ugu dambeeyey kasocdey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland iyo xaaladda ammaan ee caasimadda.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa waxa uu kahadlay qaabka ay howlgaladu u socdaan, wuxuuna sheegay inay wadaan ciidamo kala duwan natiijada kasoo baxdana ay noqon doonto miday shacabku ku farxaan.

Taliyaha ayaa dhammaan shacabka reer Puntland ugu baaqay inay ammaankooda ka shaqeeyaan meelna uga soo wada jeetsaan wixii wax u dhimaya, wuxuuna ka tacsiyeeyey geeridii kutimid General Maxamed Cali Samatar, Ugaas Cabdullaahi iyo dadkii qarax kudhintay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com