Iran oo qiratay in si aan ula kac ahayn ku soo riday diyaaraddii Ukrain

Iran oo qiratay in si aan ula kac ahayn ku soo riday diyaaraddii Ukrain

Milatariga dalka Iran ayaa sheegay in si aan ula kac ahayn ku soo rideen diyaaraddii Ukrain ee ku soo dhacday dalka Iran, sida uu baahiyey telefishinka dalkaasi..

Sidoo kale war-saxaafadeed ka soo baxay Iran ayaa lagu yiri’ waxa uu ahaa qalad,, bini’aadamkana waa uu gafaa, qaladna waa uu galaa.

”Waxaa haleelay gantaal, mas’uuliyaddana waxaa qaadaya cidda fulisay ayaa sidoo kale lagu yiri” war-saxaafadeeedka.

Iran horey waxaa ay isaga fogeysay in ay soo riday diyararadda Ukrain lahayd, kadib markii dowladaha Mareykanka iyo Canada ay sheegeen in la soo riday diyaraaddii Ukrain.

Diyaaradda waxaa saarnaa 176 qof, dhammaantood waa ay geeriyoodeen.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com