Waxaa saaka degan xaalada deegaanada Bangeelle iyo xiljilab oo shalay ay ku dagaalameen shalay Maleeshiyo beeleed hubeysan.
Odayaasha dhaqanka iyo culimada ayaa saaka ku baxay deegaanadii shalay lagu dagaalamay si Maleeshiyaadkii dagaalamay loo kala qaado.
Dhinaca kale waxaa iyana saaka deegaanadii lagu dagaalamaya u ambabaxay Taliyaha guutada 13-aad ee qaybta 21-aad Col. C/raxmaan Macalin Maxamuud Timadheere iyo Gaashaanle Sare Axmed Baaraaf oo hogaaminayay Ciidamada qalabka sida qeybta 21-aad ee DFS.
Inta la hubo 10 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaakii shalay ka dhacay tuulada Bangeelle oo ka tirsan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Dagaalkaan ayaa salka ku haya dekanooyin qabiil iyo kala sheegasho xagga daaqa iyo deegaanka ah, waxayna ahayd bishii hore markii sidaan oo kale halkaasi dagaal uga dhacay, hase ahaatee waanwaano nabadeed oo la sameeyey ayaa xaalada loogu qaboojiyey, inkasta oo ay hadda soo cusboonaatay.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS