Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo la sii daayey

Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo la sii daayey

Waxaa xabsiga laga sii daayey oo xorriyadiisa dib u helay Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo ay horey maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ku xakuntay seddex bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan shan boqol oo doolar.

Sidoo kale waxa la siidaayey Caaqil Diraac oo isna ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Bosaso.

Sii deynta Muuse Cali Jaamac iyo Caaqil Diraac ayaa timid, sida la sheegay kadib markii ay gateen xakunkii lagu riday, isla markaana ay bixiyeen lacagtii ganaaxa ahayd.

Weli waxaa xabsiga ku jira oo xiran nabadoon Cabdicasiis Baydho, caaqil Akoombe iyo caaqil Buux.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com