Nin Al-Shabaab ka tirsanaa oo ciidamada Kenya isku soo dhiibay

Nin Al-Shabaab ka tirsanaa oo ciidamada Kenya isku soo dhiibay

Booliska magaalladda Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxay sheegeen in uu isku soo dhiibay Nin Kenyan ah oo sheegtay in uu horey uga tirsanaay Al shabaab.

John Muymi oo 23-jir ah ayaa la tilmaamay in uu isku dhiibay Bar ay Boliska ku leeyihiin Xaafadda Kamukunji ee ka tirsan magaalladda Nairobi.

Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa Nairobi waxa uu maanta qoray in uu Ninkaasi sheegtay in uu ahaa Shaqsi Al shabaab u qori jirey dadka ku biiraya Dagaalamayaasha Al shabaab.

John Muymi oo ka soo jeeda Degmada Samburu ee Gobalka Rift Valley ee dalkaasi waxa uu sheegtay inuu Al shabaab ku biiray bishii June ee sannadkii hore, isla markaana uu tegay Mandhera, ka hor inta uusan u gudbin gudaha dalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigay.

John Muymi waxa uu sheegay inuu bishan 6-dii dib ugu soo laabtay Kenya, isla markaana uu maalintii Isniinta ee la soo dhaafay yimid Xaafadda Majengo ee magaalladda Nairobi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska The Standard waxa uu ka soo xigtay Boliska Nairobi inuu Ninkaasi oo watay 2 Mobile iyo dharkiisa khaaska loo gacan geliyey Ciiddanka Boliska dalkaasi ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.

Ciidanka AMaanka Kenya ayaa in dhawaalaaba kordhiyay howlgalada ka dhan ah Al Shabaab ka dib weerarkii Al shabaab ku qaadeen saldhiga Milatariga Maraykanka iyo Kenya ku leeyihiin deegaana Manda bay ee Gobolka Lamu.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com