Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo shir uga qayb galaya Burkiina Faso

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo shir uga qayb galaya Burkiina Faso

Wafdi uu Hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa ay xalay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho,iyaga oo kusoo jeeda dalka Burkiino Faso.

Wafdi oo ay garoonka kasii sagootiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxaa ay Magaalada Ouagadougou ee ee Caasimadda Burkina Faso uga qeyb-geli doonaan Shirka sanadlaha ah ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah OIC (PUIC).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaar kamid ah Madaxda ka qeyb-galeysa doonaan Shirka sanadlaha ah ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah OIC (PUIC).

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com