Ugu yaraan 31 qof ayaa geeriyootay kadib markii Waqooyi-Bari ee dalka Madagascar uu ka da’ay roob xoogan.
Waxaa la la’yahay 15 qof oo dalxiisayaal ah, kuwaasi oo ku dalxiisayey jaziirad ku taala degmooyinka Mitsinjo iyo Maevatanana sida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda Masiibooyinka Madagascar.
Roobabka ayaa jaray wadooyinka muhiim ah, isla markaana go’doomiyey xaafado iyo beero.
Lixdii bilood ee la soo dhaafayb dalka Madagascar waxaa ka d’ay roobab xoogan oo saameyn ku yeeshay guud ahaan dalka.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS