Hogaanka NUSOJ oo Madaxweyne Farmaajo u gudbiyey walaaca ay ka qabaan xeerka warbaahinta.

Hogaanka NUSOJ oo Madaxweyne Farmaajo u gudbiyey walaaca ay ka qabaan xeerka warbaahinta.

Hogaanka ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa xarunta madaxtooyada ee villa Soomaaliya waxay kulan kula qaateen madaxweyaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Famraaho.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan ayaa kulanka ka sheegay sida sharciga saxaafada ee uu meel mariyay aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka uu baal marsan yahay dastuurka dalka, ayadoo yahay halis sharci oo saxaafada Soomaaliya soo wajahday.

“Sharcigan waxaa loogu talagalay in lagu afqabto suxufiyiinta, lagu xakameeyo xarumaha warbaahinta iyo looguna yeelo dambiyo saxaafada xorta ah ee ka howlgasha dalka” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay mar waliba ka go’an tahay dhowrista xuquuqda Suxufiyiinta iyo xoriyadooda, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu si fiican u eegi doono cabashooyinka ay NUSOJ soo gudbisay ee ku aadan sharcigan.

Sharcigan waxaa uu ku qasabayaa in ay saxafiyiinta iska diiwaan geliyaan hay’ad dowladeed, waxaa uu qeexayaa qofka noqon karo suxufi ama sida qofka suxufiga ku heli karo kaarka suxufinimo.

Caburinta warbaahinta ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay warbaahinta Muqidisho ka nasatay iyadoo dawlada hadda jirtaa la timi siyaasad ka duwan tii ay ku dhaqmi jireen dawladihii hore oo ahayd caburinta saxaafadda.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com