Daalibaan oo in ka badan 30 askari ku dishay goballadda Kunduz iyo  Baghalam

Daalibaan oo in ka badan 30 askari ku dishay goballadda Kunduz iyo  Baghalam

Ugu yaraan 30 Askari oo ka tirsan milatariga Afganistan ayaa lagu dalkaasi ka dib weerar ay Maleeshiyaad Daalibaan ku qaadeen Baro Kontorool oo ay la haayeen Ciidanka dalkaasi.

Dagaalamayaasha Daalibaan waxay sheegtay inay Ciiddankaasi ku dileen labo weerar oo ay ka fuliyeen Baro Kontorool oo ku yaalla Goballadda Kunduz iyo  Baghalam.

Afhayeenka Ururka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid waxa uu sheegay inay iyagu geysteen labada weerar, isla markaana ay 35 Askari ku dileen weerarka ka dhacay Gobalka Kundus, halka ay 17 kalena ay ku dileen Gobalka Baghalam.

Madaxa Golaha Deegaanka ee Gobalka Baghalam oo lagu magacaabo Safdar Muxsini waxa uu xaqiijiyey inay Daalibaan weerareen Saldhig Bolis oo ku yaalla Caasimada Gobalkaasi ee Pul Khomri.

Weeraradda Ururka Daalibaan waxaa la sheegay inay qaadeen, kadib, markii duqeyn dhanka Cirka looga dilay Dagaalamayaal badan.

Wasaaradda Difaaca ee Afganistan waxay sheegtay inay hawlgalo ay duqeyn barbar socotay ku dileen 51-Dagaalyahano ka tirsan Ururka Daalibaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com