Muqdisho, Sep 09 2016–Magaalada Muqdisho waxaa shir ugu soo xirmay siyaasiyiin Somali ah, aqoonyahanno iyo xeel-dheerayaal kale, kaasoo looga hadlayo marxaladda kala guurka iyo doorashada madaxtinimada iyo midda baarlamaannada ee Soomaaliya.
Shirkaan ayaa xoogga lagu saarayaa qeexitaan la xiriir habka ay wax u socdaan ee doorashada Soomaaliya, siiba madaxda ku midaysan matasha iyo maarayntooda hawlaha yaalla.
Ergada ka qaybgalaysa shirka ayaa si weyn u dhaliilay geeddi-socodka lagu gaarayo doorasho ka dhacda Soomaaliya, ee ay garwadeenka ka yihiin madaxda qaran iyo kuwa maamullada ee Soomaaliya.
Cali Xaaji Warsame oo ah musharrax u tartamaya madaxweynimada Soomaaliya ee sannadda 2016ka, kana mid ah siyaasiyiinta shirkaasi ka qaybgalaysa ayaa caawa Radio Daljir uga warramay waxyaabaha looga hadlayo shirkaasi maanta u furmay.
COMMENTS