New York, Sep 10 2016–Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag loogu talagalay in lagu horumariyo dadka ku barakacay Soomaaliya , gaar ahaan gobolka Banaadir.
Saraakiisha arimaha bani’aadamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa shalay ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqeen 7 Million oo dollar ka dib kulan ay yeesheen deeqbixiyaasha Caalamka.
Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in degmooyinkaasi ay kunool yihiin ku dhawaad 120,000 qof oo barakacayaal ah.
isku -duwaha Qaramada Midoobay arimaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya , Peter de Clercq ayaa sidoo kale sheegay in dadka kunool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay la kulmayaan dhibaatyooyin kala duwan oo loo baahan yahay in laga caawiyo.
COMMENTS