Amniga dhuusamareeb oo la adkeyeey iyo doorashada oo maanta dhacaysa

Amniga dhuusamareeb oo la adkeyeey iyo doorashada oo maanta dhacaysa

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,taas oo ay u sharaxan yihiin ilaa 9 musharax.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Xildhibannada Galmudug u sheegay in maanta ay dhaceyso doorashadaas,waxaana maagalada Dhuusamareeb ka socda qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Musharixiinta Madaxweynaha galmudug ku tartamaya oo gaaraya Afar ayaa waxaa ay kala yiiin, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), Cabdiraxman Axmed Sabriye,Axmed Shire Maxamed (falagle), Axmed Cabdullaahi Samater.

Sidoo kale 5 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,kuwaas oo lagu kaal Magacaabo, Cali Daahir Ciid, Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), Saadaq Cabdullaahi Xaashi, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

Doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada dhuusamareeb oo ay wado dowladda Soomaaliya ayaa waxaa diidey,Hoggaanka Ahlusunna,Madaxweyne Xaaf iyo Afar Musharax oo aan is diiwangelin,hayeeshee Guddiga doorashada ay sheegeen in maanta la qabanayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com