Wararkii ugu dambeeyey ee shirka madasha ee Muqdisho.

Muqdisho, Sep 11 2016–Wararka aan ka heleyno xarunta Villa Somalia halkasoo ku shirayaan maamulada Somalia Iyo madaxda Dowlada Federaalka ah ee waqtigu ka dhamaadey ayaa sheegaya in heshiis laga gaarey.

Ismari-waa hareeyey kulankaan oo la xiriirey hab qaybsiga aqalka sare kasoo muran ka keeneen madaxda maamulada qaarkood iyo beelo ku qanci waayey tirada ay ka heleen hab-qaybsi ku saleysnaa maamul goboleedka ayaa wararka hordhaca ee warsidaha  Daljir helayso sheegayan in dib loogu celiyey sidii uu ugu qornaa Dastuurka KMG ah ee Federalaka ah islamarkana lagu heshiisyey shirkii Garowe 1.2.

Heshiiska Garowe 1,2 ayaa sheegayey in aqalka sare ee Barlamanka lagu qaybsanayo 18 gobol ee jirey dowladii Maxamad Siyaad Barre.

Hadaba hadii sida wararku sheegayaan heshiiskaas dib loogu noqdo maamul goboleed walba tirada xildhibanada uu aqalka sare ka helayo waxay ku xiraaneysaa inta gobol uu ka kooban yahay maamulkaas kuwasoo ah 18 gobol ee Dowlada Maxamad Siyaad Barre ee la aqoonsan yahay ah.

Dhinaca kale gobol walba oo ka tirsan 18-ka ayaa helaya 3 Xildhibaan kuwasoo u dirsan doona xubnahooda aqalka sare ee Barlamanka Somalia.

Dib ugu noqoshada heshiiskaan ayaa sidoo kale xalinaysa murankii ka taagnaa gobolka Banaadir kaasoo 3 xubnood ka helaya aqalka sare ee Barlamanka dhismi doona.

Waxaa jiraya maamul goboleedyo heshiiskaan dib loogu noqdey wax u dhimayo tiradii xildhibaano ay markii hore ka heleen aqalka sare waxaana kamid ah maamulka Galmudug oo ka koobnaan doona Hal gobol iyo Bar.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maamula ururka Ahlu sunah wal jamaca kaasoo sadexdiisa xubnood magacaban doona halka Koonfurta Mudug la filayo in Hal Xildhibaan ka hesho hab qaybsiga gobolada 18 ka ah.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com