Wacaal Darey ah: Askari ka tirsan ciidamada Booliska Puntland oo Boosaaso lagu dilay

Wacaal Darey ah: Askari ka tirsan ciidamada Booliska Puntland oo Boosaaso lagu dilay

Magaalada Boosaaso waxaa goor dhawayd lagu dilay askari katirsan ciidamada Booliska, gaar ahaan laanta Canshuuraha beriga waxaan lagu magacaabi jiray Xasan khaliif Muuse kaas oo kamid ahaa darawalada gaadiidka laanta Canshuuraha.

 

dilka askarigan ayaa ka dhacay isgoyska Gaaco oo ah meel aan ka fogayn dowladda hoose ee Boosaaso.

 

Koox ku hubaysnayd baastoolado ayaa dilka fulisay, iyagoona durbadiiba goobta ka baxsaday

 

Meedka askariga ayaa loo qaaday isbitaalka Boosaaso, waxaana goobta soo gaaray ciimada amniga oo howlgal ka sameeyay goobta uu dilku ka dhacay.

Lama oga ilaa iyo haatan kooxda dilka fulisay, mana jirto cid sheegatay mas,uuliyada dilkan,balse kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ayaa sheegan jiray dilalka askarta iyo mas’uuliyiinta dowladda.

 

Falkan lagu dilay askarigan ayaa ku soo beegmaya xili galabta la filayo in madaxweyne Deni uu ka soo dago garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyadoona aad loo adkeeyay amaanka magaalada.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com