Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Bari oo mar kale dib udhigtay xukunka Rag loo haystay Musuq maasuq

Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Bari oo mar kale dib udhigtay xukunka Rag loo haystay Musuq maasuq

Maxakamdda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta mar kale la hor keenay  labo kamid ah shaqaalaha wasaarada kaluumaysiga Puntland oo lagu soo eedeeyay Muqsu maasuq , taaso oo ay maxkamadu doonaysay in ay go’aan kama dambeys ah ay ka gaaraysa dhegesyi kiiska loo heystay labo mas’uul.

Labada mas’uul ayaa kala ah isuduwaha wasaaradda kulluumeysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Car-car Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda oo lagu magacaabo Maxamed Cali Beeldaaj

Waxaa loo heystay labadan ma’uul inay isticmaaleen waraaqo been abuur ah oo ay lacago kaga qaateen doonyo iyo maraakiib kalluumeysi.

Maanta oo arbaco ah ayaa maxkamada mar labaad waxa ay dhagaystay kiiska eedeesayaasha waxaana dib loo dhigay go’aanka kama dambaysta ah maalinta axada ah sida uu ku dhawaaqay  guddoomiyaha maxkamada Abuukar Acabdinuur.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com