Muqdisho, Sep 13 2016–Shirka Hoggaamiyaasha IGAD ayaa si rasmi ah uga furmay caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u shir gudoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra`iisulwasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo IGAD, waxaana looga hadlayaa ilaa hadda qodobo ku saabsan Suudaanta Koonfureed, Soomaaliya & IGAD.
Qodobada shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah:-
- Xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan
- Arrimaha diyaargarowga Doorashada Soomaaliya
- Arrimaha la xiriira iskaashiga
- Wax wada qabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.
Madaxda timid waxaa kamid ah Madaxweynaha Kenya, Ra`iisulwasaaraha Itoobiya & Wakiilo ka socda dawladdaha Jabuuti, Suudaanta Koonfureed, Suudaanta Waqooyi iyo Wakiilada caalamiga ah.
COMMENTS