Trump oo shaqadii ka eryay labo ka mid ah dadkii ku marqaati Furay

Trump oo shaqadii ka eryay labo ka mid ah dadkii ku marqaati Furay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryey labo ka mid ahaa dadkii ku marqaati furay dacwadii loo heystay, kadib markii uu si dirqi ah uga badbaada xil ka qaadis, isla markaana wax dambi ah lagu waayey.

Trump ayaa u yeeray Safiirkii Mareykanka ee Midowga Yururb Gordon Sondland, kadibna shaqadii ka eryey.

Sidoo kale madaxweyne Trump ayaa shaqadii ka eryey Jeneraal Alexander Vindman oo ka tirsana golaha sare ee amniga National Security Council (NSC),

Aqalka Senetka oo ay ku badan yihiin xildhibaanada xisbiga madaxweyne Trump ee Jamhuuriga ayaa 52 waxay u codeeyeen in uusan wax dembi ah gelin, halka 48 xildhibaan oo u badan xisbiga dimuqraadigana ay u codeeyeen in madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga, xilkana laga qaado.

 

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com