Muqdisho, Sep 18 2016-Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax lala beegsaday gaari uu watay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyahii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo wareysi siiyay Radio Daljir ee ayaa sheegay in Qaraxan ay ku dhinteen Gen. Goobaale iyo 6 ka mid ah Ilaaladiisa, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 4 Qof oo shacab ah.
COMMENTS