Garowe: Qareenada shaqo joojin sameeyey xili shaqadii maxkamadu caadi u socoto

Garowe: Qareenada shaqo joojin sameeyey xili shaqadii maxkamadu caadi u socoto

Qareenada ka hawlgala magaalada Garoowe ayaa shaqo joojin sameeyey iyadoo saaka Maxkamada Derejada Koowaad ay xukuntay eedaysanayaal aan haysan sharci yaqaano difaaca.

Qareenadda oo qaar kood aan la hadlay ayaa ii sheegay in wasaarada maaliyadu kusoo rogtey cashuur dheeraad ah.

Maxkamada Derejeda koowaad ee gobolka Nugaal oo saaka la horkeenay 18 eedaysane oo ku eedaysan kiisas kala duwan ayaysan kasoo muuqan garyaqaano difaacaya eedaysanayaashaasi.

Eedaysanayaasha waxaa kujirey qaar muuqaal ahaan u muuqda caruur walow aan da’dooda laga hor sheegin maxkamada, kuwaasoo aan awoodin inay afkooda sharciga iskaga hor difaacaan.

laba kamid ah oo qirtay inay galeen falka lagu eedeeyey oo ahaa Mobile furasho iyo dhaawac geysasho ayaa maxkamadu ku xukuntay 2 sano oo xarig ah iyo ganaax $1000 (Kun dollar ) ah.

Diiwaanka Wararka

Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com