Cudurka Coronavirus oo Masar ka dilaacay

Cudurka  Coronavirus oo Masar ka dilaacay

Dowladda Masar ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka coronavirus ee dilaaga ah laga helay dalkeeda.

Afhayeenka wasaarada caafimaadka Dowladda Masar Khaled Mugahed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qofka laga helay Cudurka uu yahay nin ajnabi ah oo aan muujin wax astaamo halis ah.

Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in qofkaasi la dhigay Isbitaalka balse ma aysan cayimin qofka dhalashadiisa ama halka uu ka soo galay.

Dhinaca kale dowladda Shiinaha ayaa amartay in qofkasta ee ku soo laabanaya caasimadda dalkaas is karantiilo muddo 14-maalmood ah amaba uu wajihi doono ciqaab.

Arrintaas ayaa ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu xakamaynayo caabuqa cusub ee dilaaga ah ee coronavirus sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda

In ka badan 1,500 oo qof ayaa u dhimatay caabuqaasi laga soo bilaabo tan iyo markii uu ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Warka ka ka soo baxay Masar ayaa noqonaya kiiskii ugu horeeyay ee laga helo Afrika marka laga soo tago dad looga shakinsan Cudurkaan oo laga qabtay Wadamo ay ka midyihiin Itoobiya iyo Kenya oo dhaca Bariga Afrika.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com