Wasiir Cawad oo la kumay Wakiilka cusub ee Hey’adda WHO ee Somalia

Wasiir Cawad oo la kumay Wakiilka cusub ee Hey’adda WHO ee Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga we Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka cusub ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik, oo warqadihiisa aqoonsiga wakiilnimo ku wareejiyay Wasiirka, isagoo ah wakiilka hey’adda ee ka howlgalaya dalka.

Kulanka qaabilaadda intii lagu guda-jiray, ayaa waxaa lagaga wada-hadlay iskaashi wadaagga iyo wax ka qabashada baahida dhanka caafimaadka iyo isbitaallada ku yaalla Soomaaliya , iyadoo la dejinayo barnaamijyo ka hortag iyo wacyigelin oo loogu talagalay kuwa bixiya adeegyada caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic wax-ku-ool ah oo taabagelinaya habab si wadajir ah looga shaqa-galo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com