Aadan Barre Ducaale oo lagu eedeeyay inuu cunto dhacday qeybiyay

Aadan Barre Ducaale oo lagu eedeeyay inuu cunto dhacday qeybiyay

Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa lagu eedeeyay inuu cunto dhacday u qeybiyay carruur ku jirta xero agoon ah magaalada Garissa.

Hase yeeshee Aadan Barre Ducaale ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in uu cunto dhacday u qeybiyay xarun lagu xanaaneeyo carruur agoon ah ay tahay mid been ah.

Sida lagu daabacay wargeyska Daily Nation ee magaalada Nairobi Aadan Barre ayaa waxaa u yeeray ciidamada Booliska qeybta dambi baarista kadib markii loo gudbiyay eedeymo ka dhan ah.

Aadan Barre ayaa sheegay in uu la hadlay taliyaha booliska Wajeer uuna u sheegay in wax dacwad ah aan laga soo gudbin.

Xildhibaanka awooda badan leh ayaa la sheegay in muddo 15 sano kadib uu markii ugu horeysay booqday xarun lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ah oo ku taal magaalada Garisa halkaas oo geeyay deeq cunto ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com