Madaxweynaha Puntland oo safiir u magacaabay dalka Itoobiya.

Garoowe, Sep 24 2016—Digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu magacaabay safiir cusub oo dowladda Puntland u fadhin doona magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa war qaddaan kasoo baxday xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in Dowlada Puntiland ay u magacawday Sureer Abshir Muuse in ay noqoto Safiirka Dowlada Puntilnad u fadhiya dalka Itoobiya.

Dowladda Puntland ayaa xiriir wanaagsan laleh dalka Itoobiya, iyadoona ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada, ammaanka, ganacsiga, waxbarashada iyo guud ahaan arrimaha Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com