Askari ka tirsan ciidanka amniga magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay gudaha magaalada..
dilka ayaa ka dhacay qeybta lagu iibiyo dhuxusha ee suuqa weyn ee magaalada Bosaso.d
Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen koox ku hubeysnayd bastoolada, iyadoo dilka kadib ka baxsaday goobta.
Askeriga la dilay ayaa lagu magacaabi jira Xamari, waxa uuna ka tirsanaa saldhiga Biyo-kulule
Dilalka loo geysanayo askarta, dadka dowladda u shaqeeya, iyo hal doorka ayaa mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Bosaso.
ilaa iyo haatan dilalka ka dhacaya magaalada Boosaaso kama aysan hadlin laamaha amniga ee gobolka bari, waxaan isku daynay dhowr jeer in aan wax ka waydiino waana ay ka gaabsadeen.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS