Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo is casilay

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo is casilay

Xilhibaan Shaacir Sheegow oo kamid ah Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug kana soo galay dhinaca Ahlusunna ayaa ku dhawaaqay in uu Xubinimadii Baarlamaan iska casiley.

Xildhibaanka oo la soo xiriiray Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in sababo isaga u gaar ah uu isaga casilay Xubinimadii Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayuu sheegay in uu u gudbiyey is casilaada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Beesha uu ku metelayey kursiga Baarlamaanka Galmudug uu u gudbiyey is casilaada kana aqbaleen,isla markaana ay kursigaas u xusheen Nin uu Magaciisa ku sheegay Axmed Yuusuf Maxamed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com