Raysal Wasaarihii dalka Malaysiya oo Is-casilay

Raysal Wasaarihii dalka Malaysiya oo Is-casilay

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay baahiyeen warbaahinta caalamka ayaa sheegaya in uu is-casilay Raysal Wasaarihii dalka Malaysiya Mahathir Mohamad.

Is-casilaadda Raysal Wasaare Mahathir Mohamad ayaa ku soo beegmaysa xili todobaadyadii la soo dhaafay ay jireen muran xoogan oo dhex taagnaa xisbigiisa.

Waxaa lagu wadaa in xilka Raysal Wasaare uu u tartamo, isla markaana hogaanka xisbiga Barisan Nasional (BN). lagu bedelo ninka lagu magacaabo Anwar Ibrahim. , oo da’diisu tahay 72 sano.

Mr Anwar ayaa Raysal Wasaare ku xigeen u ahaa Mr Mahathir sanadkii 1998, balse waxa uu xilkaasi iska-casilay kadib markii lagu soo eedeeyey wax isdaba marin, iyadoona xabisga loo taxaabay.

Mahathir oo 94 sano jir ah ayaa ah siyaasi caan ka ah Malaysiya iyo guud ahaan dunidda.

Mr. Mahathir ayaa ah ninka ugu da’da weyn adduunka ee xil haya, waxa uuna xilka Raysal Wasaarinimo uu ku guuleystay sanadkii 2018, kadib markii uu ka guuleystay Raysal Wasaarihii hore ee Malaysiya Najib Razak

Mr Mahathir ayaa markii ugu horeysay ka noqday Raysal Wasaare dalka Malaysiya sanadkii 1981, isagoo xilkaasi hayey tan iyo sanadkii 2003.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com