Dagaal Ciidamada DFS ku dhexmaray Dhuusamareeb

Dagaal Ciidamada  DFS ku dhexmaray Dhuusamareeb

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay Xarunta Ciidanka Xoogga Qeybta 21 aad ee Dhuusomareeb,waxaana uu u dhaxeeyey Ciidamo ka kala tirsan Millateriga & Nabadsugida Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dambeeyey,kadib markii Ciidanka Millateriga ay diideen in lala raro Xaruntooda 21aad oo la qorsheynayay maanta in laga dhagaxdhigo Xarunta cusub ee Madaxtooyadda Galmudug loona wareejiyo Ciidanka Xoogga goob kale.

Dagaalka dhex-maray labada Ciidan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen laba askari halka qof kale oo Shacab ahaa uu ku dhaawacmey sida uu sheegay mid kamid ah dadka ku nool Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa qorshuhu ahaa in uu Xarunta qeybta 21aad uu ka dhagax-dhigo Xarun Xarun Cusub ee Madaxtooyada Galmudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com