Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigey Dhismaha Madaxtooyada Galmudug (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigey Dhismaha Madaxtooyada Galmudug (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta daah furay macruuc horumarineed oo lagu dhisayo Madaxtooyada Galmudug iyo Xarumaha saddexda Wasaaradood ee Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha, amniga iyo qorsheynta.

Madaxweynaha Galmudug waxaa dhagax dhigista Xarunta Madaxtooyada Galmudug ku wehlinaayay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka labada aqal ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Hirgelinta mashruucan waxa iska kaashanaya DGM iyo hay’adda SSF iyadoo la qorsheeyay in mashaariic kala gedisan laga hirgeliyo Galmudug sanadkan 2020ka.

Hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa sheegay inay ka ka go’an tahay dib u dhiska deegaanka iyo hirgalinta hay’ado dowladeed oo si hufan u guta adeegyada loo igmaday.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com