Wasiirka Caafimaadka Britain oo laga helay cudurka Coronovirus

Wasiirka Caafimaadka Britain oo laga helay cudurka Coronovirus

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa la sheegay in laga helay xanuunka corona, iyadoo haatan la karantiilay.

Ms Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Dalka Ingiriiska ayaa lix ruux waxa ay ugu dhinteen cudurkan Coronaha iyadoo laga halay dad ku dhow afar boqol oo ruux.

Wasiirka waxaa kale oo ay sheegtay in hey’adda caafimaadka ee England ay haatan bilawday inay raadiyan dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay.

Qofkii ugu dambeeyay ee u dhinta xanuunka corona ayaa ahaa oday 80 sano jir ah oo markiisi horeba dhul yaal ahaa.

Dalka Talyaaniga ayaa ah wadanka uu dhibka ugu badan ka haysto cudurkan Coronovirus iyadoo inta badan dalkaasi haatan uu quful albaab yahay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com