Kenya oo xaqiijisay kiiskii u horeeyay ee cudurka Coronavirus in laga helay dalkeeda

Kenya oo xaqiijisay kiiskii u horeeyay ee cudurka Coronavirus in laga helay dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday kiiskii u horeeyay ee cudurka Coronavirus in laga gabay qof dumar ah.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Mutahi Kagwe ayaa shaacisay in qof qaba xauunka Coronavirus laga helay.

Qofkan oo ah haweeney ka timid dalka Mareykanka ayaa soo martay magaalada London ee dalka Ingriiska.

Wasiirada ayaa sheegtay in xaalada haweeneyda ay iminka wanaagsna tahay, laguna sii heynayo Isbitaalka, illaa caafimaadkeeda ka hagaagayo.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dabagal ku sameyn doonaan dhammaan dadkii ay haweeneydaas la kulantay, tan iyo markii ay ka soo laabatay dalka Mareykanka.

Cudurka Coronavirus ayaa noqday cudur si saf mareen caalamka u saameeyay, waxaana dalal badan ay bilaabeen inay joojiyaan diyaaradaha uga yimaada wadamada uu sida daran u saameeyay, si ay uga hortagaan faafida dhaqsaha leh ee cudurkan.

Diwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com