Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa weli ku jira safaro uu ku marayo gobolada deegaanka, siiba gobolada LIIBAAN iyo DAAWA, ayaa maanta booqday gobolka BORAN ee kililka Oromiya.
Madaxweynaha waxaa gobolka ku soodhaweeyey oday dhaqameedyada Oromiya, waxaana soodhaweyn kabacdi la gudoonsiiyey, looguna labisay dharka dhaqanka Oromada.
Gobolka BORAN ayaa hore uga mid ahaan jirey degmooyinka gobolka LIIBAAN ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waana qayb kamid ah deegaanada Soomaalida ee ay Oromadu sida sharcidarrada ah ugala wareegtay Soomaalida-Itoobiya.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Jigjiga
COMMENTS
Booran waa dad horay dagaal soomaali uga dhaxeeyey lagana sòo saaray gobalka ka mid ah sòomaalida
Booran waa dad cadaawad soo jireen ka dhaxayso soomaalid
Laakiin lagu qasbay qarnigii 16 ilaa 17 in ay soomaali noqdaan
Markii ay farsad heleena ku balan fuley soomaalidii ay diinta wadaagi jireen