Rasaasta kadhacda hubka culus oo maanta mar kale laga maqlayo Galkacyo.

Galkacyo, Oct 13 2016-Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas ay isdhaafsanayaan ciidanka Puntland iyo kuwa maamulka Galmudug.

Warar hoose oo soo gaarey xarunta Daljir ee magaalada Galkacyo ayaa soo sheegaya in rasaastu ay bilaabatay kadib markii guryo laga barakacay oo kuyaal xaafadda Garsoor Puntland lagu garaacay madaafiic laga soo tuuray dhanka koonfureed.

Xaaladda magaalada ayaa ahayd mid degan labadii maalmood ee ugu dambeysey waxaana guuldaraystay dhowaan dedaalo nabadeed oo ay wadeen qaar kamid ah waxgaradka labada dhinac.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com