G/kuxigeenka Nugaal oo Daljir uga waramayTaariikh Nololeedka Guddomiyihii gobolka Nugaal

G/kuxigeenka Nugaal oo Daljir uga waramayTaariikh Nololeedka Guddomiyihii gobolka Nugaal

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir, ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarkii lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi ‘Gu’jir, iyo taariikhdiisii nololeedba.

Guddoomiye kuxigeenka, ayaa sheegay guddoomiye Gu’jir in uu lahaa taariikh dheer oo waxqabad, mid waddaninimo, iyo mid maamul dawladeedba, muddo badanna uu ka shaqaynayey arrimaha maamulka iyo ciidamadaba.

Cali Salaad, waxaa uu Radio Daljir u sheegay in Alle ha u naxariistee guddoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi ‘Gu’jir’ uu ahaa nin dhinaca ciidamada ka soo galay siyaasadda, kana mid ahaa saraakiishii ciidamadii Soomaaliya, mar dhexena uu noqday duqa caasumadda Puntland ee Garowe, haddana ahaa guddoomiyaha gobolka Nugaal, shaqsiyanna uu ahaa ruux wanaagsan, siiba xagga shaqada dawliga ah iyo dad la dhaqankiisa bulshaba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com